Kooxda Manchester City oo diyaar u ah inay bixiso lacagaha lagu burburin karo heshiiska Rodri

(Manchester) 18 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay qarka u saaran tahay inay la saxiixato xiddiga Naadiga Atletico ee Rodri.

Wararku waxa ay sheegayaan in kooxda ka arrimisa garoonka Etihad ay diyaar la tahay inay bixiso 70 milyan oo euro oo ah lacagaha lagu jabin karto qandaraaska Rodri.

Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa fahamsan in Manchester City ay tahay kooxda ay u badan tahay inay la saxiixan doonto laacibka khadka dhexe ee naadiga Atletico Madrid ee Rodri.

Waxaa warbixinta lagu sheegay in Sky Blue ay diyaar la tahay lacagaha lagu burburin karo heshiiska Rodri oo dhan 70 milyan oo euro oo dhiganta 62.7 milyan oo gini.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga xulka qaranka Spain ee Rodri ayaa horay u weydiistay kooxdiisa Atletico Madrid inay u ogolaato inuu tago.

Macallinka Man City ee Pep Guardiola ayaana u arka Rodri inuu yahay ciyaaryahanka mustaqbalka dheer ee laacibkiisa khadka dhexe ee Fernandinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close