Group-ka C ee Koobka Adduunka Dumarka 2019 oo la soo gaba-gabeeyay… + SAWIRRO

(Paris) 18 Juunyo 2019. Waxaa goordhow la soo gabagabeeyey Group-ka C ee Koobka Adduunka Dumar 2019, iyadoo la xaqiijiyey kooxaha ee ka soo baxay Guruubkan.

Haddii aynu ku horreyno kulan adag ayaa waxa uu dhexmaray xulalka Talyaaniga iyo Brazil, waxaana 1-0 ku adkaaday gabdhaha Brazil.

Kulan u dhexeeyey xulalka Italy iyo Brazil ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0.

Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay xulka Brazil ayaa la yimid goolka qura ee ay ku adkaadeen kulankan waxaana 74’daqiiqo rigoore loo dhigay gool u rogtay Marta, sidaas ayaana looga adkaaday gabdhaha Talyaaniga 1-0.

Dhinaca kale kulan ka tirsanaa isla guruubkan C ayaa waxa ay gabdhaha Australia xasuuqeen dhiggooda Jamaica, iyagoo kaga adkaaday 4-1.

Afarta gool ee kulankan waxaa xulka  Australia u dhalisay gabadha lagu magacaabo Sam Kerr iyadoo min labo gool kala dhalisay labadii qeybood ee ciyaarta, taasoo ka dhigan in Jamaica looga adkaaday 4-1.

Haddaba xulalka Italy, Australia iyo Brazil ayaa ka soo baxay guruubkan C maadaama ay wada leeyihiin min 6-dhibcood, waxaana kaalinta koowaad farqiga goolasha ugu soo baxay gabdhaha Italy.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close