Emerson oo shaaciyey farriintii ugu dambeysay ee uu Eden Hazard soo dhigay Group-ka WhatsApp-ka ee ciyaartoyda Chelsea

(London) 18 Juunyo 2019. Daafaca kooxda Chelsea ee Emerson ayaa sheegay in weli rumeysan kari la’yahay sidii fududeyd ee uu kooxda kaga tegay saaxiibkood ahna laacibka reer Belgium ee Eden Hazard oo ku biiray kooxda Real Madrid ee waddanka Spain.

Ciyaaryahan Emerson Palmieri waxa uu sheegay in farriintii ugu dambeeyay ee la soo dhigay Group-ka ciyaartoyda Blues ee WhatsApp-ku inay ahayd sagootintii Hazard.

Hazard oo 28-sano jir ah ayay riyadiisii u rumowday, 7-dii bishan June, waxaana 7 sanadood kaddib uu ka tegay garoonka Stamford Bridge ee kooxda Chelsea isagoo aaday halkii niyaddiisu ku qanacsanayd ee Madrid.

“Dhanka WhatsApp-ka farriintii ugu dambeysay waxay ahayd Hazard oo soo qoray nabad-gelyo dhallinyaro, wixii waqtigaa ka dambeeyay ma garan karno wixii dhacay, waxay ahayd wax aan suuro-gal ahayn” ayuu Emerson u sheegay Shabakadda ESPN Brazil.

“Wuxuu noo soo diray – ‘Mahadsanidiin, waan idin jeclahay dhammaantiin’, kaddib Eden Hazard waxa uu ka baxay Group-ka waxaana noo soo muuqatay –‘Eden Hazard left the group’, waxaan iri yaah oo hadda wuu tegay?!”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close