Adrien Rabiot oo ogolaaday inuu ku biiro koox aan ka mid ahayn kuwa England

(Paris) 18 Juunyo 2019. Sida wararku ay sheegayaan Adrien Rabiot ayaa ogolaaday inuu ku biiro koox aan ka mid ahayn kuwa Ingiriiska, isla markaana ka dhisan dalka Talyaaniga.

Warsidaha El Chiringuito ayaa warinaya in Adrien Rabiot uu ogolaaday inuu suuqa xagaaga ku biiro naadiga dalka Talyaaniga ka dhisan ee Juventus.

Xiddigan khadka dhexe ayaa heshiiskiisa kooxda Paris Saint-Germain waxa uu ku eg yahay bishaan, waxaana uu bartilmaameed u ahaa inta badan kooxaha ka dhisan qaaradda Yurub.

Waxaa warbixinta lagu sheegay inuu Rabiot iska diiday inuu u dhaqaaqo kooxaha ka dhisan dalka Ingiriiska ama xitaa Spain, isla markaana uu go’aansaday inuu ku biiro kooxda Juve.

Waxay u muuqataa inuu Adrien Rabiot saldhigan doono dalka Talyaaniga, isla markaana uu ku biiri doono kooxda Marwada Duqda ah, iyadoo la warinayo inuu u saxiixi doono Juve heshiis shan sanadood ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close