Waa maxay sababta ugu weyn uu Maurizio Sarri uga codsaday Blues inuu qabto xilka Juventus? Waxaa si cad u sharraxay Marina Granovskaia.

(London) 17 June 2019. Chelsea ayaa xaqiijisay in Maurizio Sarri uu weydiistay inuu qabto shaqada Juventus, balse ay ka dambeyso sabab aan layaab aheyn oo la xiriirta qoyskiisa.

Macalinkaan reer talyaani ayaa yimid garoonka Stamford Bridge bartamahii 2018, wuxuuna kooxda u hogaamiyay inuu geeyo laba final, sidoo kalana ugu dhameeyo kaalinta saddexaad ee horyaalka, kuna darso inuu u qaaday UEFA Europa League.

Si kastaba Maurizio Sarri wuxuu hadda saddex sano heshiis ah la gaaray marwada duqda ah, isagoo maamuli doonaa Cristiano Ronaldo oo muddo sanad ah ku sugan magaalada Turin.

Agaasimaha Chelsea (Marina Granovskaia) ayaa si fiican u sharraxday wax walba oo ku saabsan bixitaanka Maurizio Sarri iyadoo la hadleysa website-ka rasmiga ah ee kooxa.

“Waxaan wadahadal yeelanay kadib koobka Europa League, Maurizio wuxuu si cad iigu sheegay sida ay u xoogan tahay rabitaanka uu u qabo inuu dib ugu laabto wadankiisa, wuxuuna iigu sharraxay sababtu iney tahay inuu kaliya doonayo inuu ka shaqeeyo wadankiisa ayna muhiim u tahay”

“Sidoo kale wuxuu aaminsan yahay iney muhiim tahay inuu u dhawaado qoyskiisa, sidoo kalana uu ka warqabo wax walba oo ay ku sugan yahiin waalidkiisa sii duqoobaya, wuxuu dareemayaa inuu u baahan yahay qoyskiisa inuu u dhawaado waqtigaan”

“Maurizio Sarri wuu ka tagay Chelsea iyadoo looga mahad celinayo wax walba uu kooxdan u sameeyay iyo caawintii fasalkii lasoo dhaafay uu ku qaatay isagoo ah tababaraha kooxda, ku guuleysigii koobka Europa League, inuu koob kale final gaarsiiyay iyo sidoo kale inuu kaalinta saddexaad ee horyaalka ku dhameeystay”

“Sidoo kale waxaan jecelnahay inaan ugu hambalyeyno inuu helay door weyn oo horyaalka talyaaniga ah, waxaana u rajeyneynaa nasiib wacan mustaqbalka”

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close