Waa maxay sababta guuldaradii Argentina kasoo gaartay Colombia loogu diiwaangaliyay middii ugu xumeyd ebid ee ku qasbata Copa America?

(Brazil) 17 June 2019. Xulka Argentina ayaa ku furtay tartanka Copa America guuldaro aan la fileynin, walow mar walba aan lagu tuhmeynin awood dheeri ah oo loogu saadaalin karo tartanka hadana dad badan waxey moodayeen iney dhamaan ciyaartoy ahaan sidii koobkii Adduunka 2018.

Colombia ayaa 12-sano kadib guul ka gaartay Argentina kulan ku dhamaday (2-0) waxaana guuldaradaas loo aqoonsaday middii ugu xumeyd ee taariikhda kulan furitaanka tartanka Copa America kasoo gaarta qaranka labada jeer hantay koobka Adduunka.

Albiceleste wax guuldaro ah lama kulmin kulanka furitaanka tartanka Copa America tan iyo 1979, markaasna waxaa 2-1 ku dilay Bolivia kulan ka dhacay La Paz, sidoo kalana mar kale ayey guuldaro ka bilowdeen inta la xasuusto waana 1919 markaasna 3-2 waxaa uga adkaaday Uruguay kulan ka dhacay Brazil.

Balse waligood guuldaro 2-0 ah oo aysan xitaa hal gool la imaan kuma dhicin kulanka furitaanka, waana midda keentay in loo aqoon sado guuldaradaan middii ugu xumeyd ebid kasoo gaarta tartanka Copa America taariikhda.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close