RASMI: Kooxda Real Madrid oo xaqiijisay xilliga ay soo bandhigayso Rodrygo Goes

(Madrid) 17 Juunyo 2019.  Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa shaacisay xilliga ay soo bandhigayso xiddigeeda Rodrygo Goes.

Magaciisa oo buuxa waa Rodrygo Silva de Goes, waxaana loo garan ogyaay Rodrygo, waa ciyaaryahan reer Brazil ah oo weerarka ka dheela, waxaana Real Madrid ay ka soo qaadatay naadiga Santos.

18-sano jirkaan ayay kooxda Los Blancos xaqiijisay inay berri oo Talaado ah ku soo bandhigayso garoonka Santiago Bernabeu marka ay saacadda dalka Spain tahay 01:00 duhurnimo.

Warbixinta ay kooxda Real Madrid ku xaqiijisay soo bandhigista Rodrygo Goes oo lagu daabacay website-keeda rasmiga ah ayaa u dhignaa: “Ciyaaryahanka Rodrygo Goes waxaa la soo bandhigi doonaa berrito oo Talaado ah oo ay taariikhdu tahay 18 bisha June, saacaduna tahay 1:00 duhurnnimo.”

“Waxaana lagu soo bandnigi doonaa garoonka Santiago Bernabéu.”

“Rodrygo ayaa markaasi kaddib ka soo muuqan doona oo ku dhex socon doona garoonka Santiago Bernabeu markii ugu horeysay isagoo xiran maaliyadda Real Madrid, waxaana uu warbaahinta kula hadli doonaa qol Saxaafadeedka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close