RASMI: Francesco Totti oo ka tagaya AS Roma markii ugu horreysay, kaddib mudo 30 sano ah

(Italy) 17 Juuunyo 2019. Francesco Totti ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda ka dhisan caasimada Talyaaniga ee Roma, markii ugu horeysay kaddib muddo 30 sano ah.

Francesco Totti ayaa xaqiijiyay inuu isaga tagayo jagada agaasimaha farsamada ee AS Roma, wuxuuna ka tagayaa kooxda markii ugu horeysay kaddib muddo 30 sanno ah markii uu yimid Giallorossi 1989.

Totti ayaa sheegay: “Waxaa la gaaray maalintii aan marnaba jecleyn inay timaado, Marna fursad uma helin inaan isku muujiyo maamulka”.

Francesco Totti ayaa ka fariistay kubadda cagta labo sanno kahor. kaddib 28 sanno uu soo xirnaa maaliyada kooxda AS Roma, wuxuuna iska diiday inuu ka dhaqaaqo Giallorossi inta ka dhiman mustaqbalkiisa ciyaareed.

Totti ayaa kaddib marka uu kubadda cagta ka fariisatay wuxuu ku biiray maamulka sare ee kooxda, balse wuxuu haatan go’aansaday inuu gabi ahaanba isaga dhaqaaqo kooxda Roma kaddib mudo dhan 30 sano uu ku soo qaatay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close