Nasser Al-Khelaifi oo si cad runta ugu sheegay xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr

(Paris) 17 Juuunyo 2019. Madaxweynaha Paris Saint Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay hadalo badan ee ka dhan ah xiddiga kooxdiisa ee reer Brazil Neymar Jr.

Nasser Al-Khelaifi ayaa si toos ah uga hadlay mustaqbalka xiddiga reer Brazil Neymar Jr ee kooxda Paris Saint Germain.

Madaxwaynaha Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa sheegay in Neymar uu kooxda kaga tagi karo sababo kala duwan, oo ay ka mid tahay edeb la’aanta iyo ixtiraam darada uu kooxda u muujiyay dhowr jeer.

“Neymar Jr wuxuu heystaa qandaraas ilaa 2022 ah oo aan cidina ku qasbin inuu saxiixo heshiiskan, si uu noogu soo biiro”.

Dhinaca kale Madaxweynaha Paris Saint Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa si cad u sheegay:

“Ma doonayo ciyaartoyda aan lahayn wax niyad ah si ay u baxaan, qof kasta ee doonaya inuu joogo wuu joogi doonaa”.

“Waxaan doonayaa ciyaartoyda diyaarka u ah inay difaacaan kooxdan, waan la fariinsan karaa oo waxaan la hadli karaa qof walba”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close