Mbappé oo sheegay hadal muran xoogan dhaliyay ee ku aadan mustaqbalkiisa kooxda PSG

(Paris) 17 Juunyo 2019. Xiddiga kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappé ayaa soo bandhigay muran ku aadan inuu ka tagayo PSG inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Arintan ayaa waxay imaaneysaa kaddib markii uu Madaxweynaha Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi si adag ula hadlay xiddigaha kooxdiisa, maadaama ay xili ciyaareedkii dhawaan laga soo gudbay ee 2018-2019 ay ku guuleysteen kaliya horyaalka France Ligue 1.

Nasser Al-Khelaifi ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in ciyaartoyda ku sugan kooxda ay isa saaraan mas’uuliyad dheeri ah isla markaana ay qabtaan shaqo badan wuxuuna yiri:

“Ciyaartoyda waa inay qaadaan mas’uuliyad ka badan sidii hore, xaalada wey ka duwanaan doontaa sidii hore, waa inay sameeyaan dadaal badan isla markaana ay shaqo badan qabtaan”.

“Halkan uma joogaan inay naftooda u raaxeeyaan, haddii aysan ku raacsanayn aragtidan, albaabada way furan yihiin, ma doonayo inaan halkan ku heysto ciyaaryahan leh dabeecad caan ah, wixii xiligan ka dambeeya”.

Hadaba 20 jirka reer France ee Kylian Mbappé ayaa wuxuu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka kaddib hadalka madaxweynaha kooxda PSG hal kalmad oo kaliya balse murun xoogan dhaliyay wuxuuna soo qoray: “Goor dhow”.

Si kastaba ha ahaatee, Kylian Mbappé ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan, iyadoo madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez uu doonayo inuu si xoogan u xoojiyo naadiga Los Blancos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close