Maradona oo si kulul u weeraray jiilka haatan ee xulka Argantina uu hogaamiyo Messi, kaddib guuldaradii Colombia

(Brazil) 17 Juuunyo 2019. Halyeeyga kubadda cagta dalka Argantina ee Diego Maradona ayaa weerar culus ku qaaday ciyaartoyda haatan ku sugan xulka qaranka Tango uu hogaaminayo Lionel Messi.

Hadalka Maradona ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii ay si xun kaga bilaawdeen tartanka Copa America 2019, waxayna guuldaro 2-0 ah kala kulmeen xulka qaranka Colombia.

Hadaba wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Diego Maradona, kaddib guuldaradii xulkiisa Argantina kasoo gaartay dhigooda Colombia wuxuuna yiri:

“Ciyaartoyda waxay lumiyeen awoodda xulka qaranka Argentina, sidaas darteed waxay i gaarsiiyeen heer aan dareemo in xitaa kooxda Tonga ay awood u leedahay inay na garaacdo”.

“Waa maxay waxa ka harsan awooda kubadda cagta Argantina oo aan sannado ka hor dhisay?, waxay bahdaleen sharafka maaliyada xulka”.

Intaas kaliya kuma filnaanin halyeeyga Diego Maradona oo wuxuu xitaa aflagaadeeyay ciyaartoyda Argentina.

Yeelkadeeda, xulka qaranka Argentina ayaa wax koob ah ku guuleysan tan iyo sanadkii 1993, iyadoo jiilka haatan uu hogaamiyo Lionel Messi ay guuldaro la kulmeen 3 final ee isku xigta, koobka adduunka 2014, Copa America 2015 iyo sidoo kale 2016.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close