Kooxda Chelsea oo heshiis afka ah la gaartay badalka Maurizio Sarri

(London) 17 Juuunyo 2019. Halyeeyga kubadda cagta England ahna macalinka kooxda Derby County ee Frank Lampard ayaa talaabo u jira inuu noqdo badalka macalinka reer Talyaani Maurizio Sarri ee kooxda Chelsea.

Wargeyka “The Sun” ee dalka England ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu shaaca ka qaaday in Chelsea ay heshiis la gaartay Frank Lampard si uu u noqdo badalka Maurizio Sarri, kaasoo macalin u noqday Juventus.

Ilo wareedyo dhoowr ah ayaa waxay xaqiijinayaan in Frank Lampard uu noqon doono tababaraha xigga ee Chelsea, halka sidoo kale caawiyihiisa u noqon doono Didier Drogba oo ka mid ah halyeeyadii ugu fiicneyd taariikhda ee soo martay kooxda Blues.

Si kastaba ha ahaatee, Frank Lampard ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay isagoo tababare u ah Derby County wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed heersaro ah, taasoo keentay in si weyn lala xiriiriyo shaqada tababarka kooxdiisii hore ee Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close