Chelsea oo jawaab ka bixisay dalab kaga yimid kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid

(London) 17 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa la soo warinayaa inay jawaab ka bixisay dalab kaga yimid kooxaha reer Spain ee Barcelona iyo Atletico Madrid oo ku aaddan Willian.

Kooxaha ka dhisan horyaalka La Liga ayaa dalab 35 milyan oo gini ah ka soo gudbiyey xiddigan garabka ka ciyaara ee reer Brazil, Willian.

Sida lagu baahiyey Sky Sports, Chelsea ayaa iska diiday dalabkaas kaga yimid kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ee ku aaddan Willian, kaasoo ku kacayey adduun dhan 35 milyan oo gini oo u dhiganta 44 milyan oo dollar.

Willian ayaa helay dalabyo badan oo kaga yimid kooxda Barcelona xagaagii la soo dhaafay, waxaana uu haatan haystaa hal sano oo kaga harsan heshiiskiisa kooxda Blues.

Yeelkeede, kooxda Chelsea ayaan doonaynin inay iska lumiso xiddigeedan garabka ka ciyaara ee Willian.

Blues ayaana maanka ku haysa inay iska iibisay Eden Hazard kaasoo ku biiray Real Madrid, isla markaana ay ka ganaaxan tahay suuqa kala iibsiga xiddigaha, waxaana ay ku rajo weyn yihiin inay awoodaan inay heshiiska u kordhiyaan Willian oo ay ka saxiixdaan heshiis cusub oo labo sanadood ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close