Xulka qaranka gabdhaha USA oo iska xaadiriyay wareega 16-ka Koobka Adduunka ee Dumarka, kaddib markii ay ka adkaadeen dhiggooda Chile… + SAWIRRO

(Paris) 16 Juunyo 2019. Xulka qaranka Gabdhaha USA ayaa guul muhiim ee 3-0 ah ka gaaray dhiggooda Chile kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka F ee koobka Adduunka Dumarka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0  ay ku hogaaminayeen Xulka qaranka Gabdhaha ee USA.

Daqiiqadii 11-aad Xulka qaranka Gabdhaha USA ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta kaddib markii ay gool u dhalisay Carli Lloyd, waxayna sidaas ku noqotay 1-0.

26 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Julie Ertz ayaa ka dhigtay 2-0, kaddib caawin ay ka heshay Tierna Davidson.

Markale Xulka qaranka Gabdhaha USA ayaa hogaanka sii dheereystay kaddib markii ay ciyaarta ka dhigtay xiddigta lagu magacaabo Carli Lloyd 3-0 daqiiqadii 36-aad, waxaana goolkan caawintiisa lahayd Tierna Davidson

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulka qaranka gabdhaha USA oo ciyaarta iska maamulanayay ayaa sii joogteeyay qaab ciyaareedkooda wanaagsanaa ee kulankan, iyagoo markale sameeyeen fursado kale ee halis ah.

Laakiin ugu dambeyntii kulanka ayaa ku soo dhammaaday 3-0 oo xulka gabdhaha USA ay kaga adkaadeen dhiggooda Chile kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019, waxayna iska xaadiriyeen wareega 16-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close