Xulka qaranka gabdhaha Sweden oo xasuuqay dhiggooda Thailand kulan ka tirsan Koobka Adduunka ee Dumarka… + SAWIRRO

(Paris) 16 Juunyo 2019. Xulka qaranka Gabdhaha Sweden ayaa guul muhiim ee 5-1 ah ka gaaray dhiggooda Thailand kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka F ee koobka Adduunka Dumarka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 3-0.

Daqiiqadii 6-aad ee bilawga ciyaarta xiddigta lagu magacaabo Linda Sembrant ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda Sweden, waxayna ciyaarta ka dhigtay 1-0.

Xulka qaranka Gabdhaha Sweden ayaa hogaanka sii dheereystay kaddib markii ay daqiiqadii 19-aad ay dheesha ka dhigtay 2-0 xiddigta Kosovare Asllani.

42 daqiiqo Fridolina Rolfo ayaa sii niyadjabisay taageerayaasha Xulka qaranka Gabdhaha Thailand, kaddib markii ay dhalisay goolka 3-aad, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 3-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulka qaranka gabdhaha ee Sweden ayaa sii joogteeyay qaab ciyaareedkooda wanaagsanaa ee kulankan, waxayna sameeyeen fursado kale ee halis ah.

Daqiiqadii 81-aad Lina Hurtig ayaa u dhalisay xulkeeda Sweden goolka 4-aad ee ciyaarta, waxayna sidaas ku noqotay dheesha 4-0.

Daqiiqadii 90-aad Xulka qaranka Gabdhaha Thailand ayaa waxay ciyaarta ka dhigeen 4-1, kaddib gool ay ka heleen Kanjana Sung-Ngoen.

Laakiin Gabdhaha Sweden ayaa waxay dhaliyeen gool rigoore ah daqiiqadii 90-aad, waxaana u dhalisay Elin Rubensson, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 5-1

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday 5-1 oo xulka gabdhaha Sweden ay kaga adkaadeen dhiggooda Thailand kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close