Sadio Mané oo maray wadada saaxiibkiis Maxamed Saalax

(England) 16 Juunyo 2019. Sida ay baahisay warbaahinta gudaha England maanta oo Axad ah laacibka reer Masar ee Maxamed Saalax ayaa ku war galiyay maamulka kooxda Liverpool go’aankiisa kama dambeysta ah ee ku aadan inuusan wax xiisa ah u qabin dalabyada kaga imaanaya suuqa kala iibsiga ee xagaaga ee haatan socda, isagoo xaqiijiyay inuu sii joogayo Reds xilli ciyaareedka soo aadan.

Wargeyska “Mirror” ee dalka England ayaa sheegay in xiddiga ka ciyaara weerarka garabka ee kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Senegal ee Sadio Mané uu yahay laacibka kale ee si kama dambeys ah u go’aamiyay mustaqbalkiisa Reds.

Sadio Mané ayaa sida Maxamed Saalax oo kale u xaqiijiyay maamulka kooxda Liverpool inuusan xiiseyneynin dalabyada kaga imaanaya banaanka, isla markaana uu doonayo inuu sii joogo Reds xilli ciyaareedka soo aadan.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Liverpool, Maxamed Saalax iyo Sadio Mané ayaa lala xiriirinayay Real Madrid, kaddib markii ay sameeyeen qaab ciyaareed cajiib ah labadii xili ciyaareed lasoo dhaafay ay Reds ku qaateen.

Xiddigaha Maxamed Saalax iyo Sadio Mané ayaa ku hogaamiyay kooxda Liverpool xili ciyaareedkan ku guuleysiga tartanka xiisaha badan ee Champions League, kaddib mudo dhan 14 sano.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close