Miyuu Mohamed Salah ogolaaday inuu xagaagan ka tago kooxda Liverpool?

(Liverpool) 16 Juunyo 2019. Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa la soo warinayaa inuu iska diiday inuu ka tago xagaagan garoonka Anfield kaddib markii uu kooxdiisa la qaaday Champions League.

Xiddiga xulka qaranka Masar ayaa dhaliyey 71 gool 104 kulan oo uu u saftay Reds oo ay ku jiraan rigooradii koowaad ee kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen Tottenham Hotspur.

Sida ay warinayso Jariiradda The Mirror, Real Madrid iyo Juventus ayaa labada kooxoodba waxa ay indhaha ku hayaan inay Salah kula soo saxiixdaan 150 milyan oo gini.

Yeelkeede, warbixinta ayaa sheegeysa in 27-sano jirkaan uusan xiiseyneynin inuu tago xagaagan, maadaama uu dareemayo in wakhtigu uu qaldan yahay oo uu yahay mid aan haatan ku haboonayn.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close