Madaxweynaha PSG oo si adag ula hadlay xiddigaha Neymar Jr iyo Kylian Mbappé

(Paris) 16 Juunyo 2019. Madaxweynaha Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi ayaa si dadban u dhaleeceeyay labada ciyaaryahan ugu muhiimsan kooxda ee Neymar Jr iyo Kylian Mbappé.

Nasser Al-Khelaifi ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in ciyaartoyda ku sugan kooxda ay isa saaraan mas’uuliyad dheeri ah isla markaana ay qabtaan wax badan.

Majalada “France Football” ee dalka France ayaa soo bandhigay wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi wuxuuna yiri:

“Ciyaartoyda waa inay qaadaan mas’uuliyad ka badan sidii hore, xaalada wey ka duwanaan doontaa sidii hore, waa inay sameeyaan dadaal badan isla markaana ay shaqo badan qabtaan”.

“Halkan uma joogaan inay naftooda u raaxeeyaan, haddii aysan ku raacsanayn aragtidan, albaabada way furan yihiin, ma doonayo inaan halkan ku heysto ciyaaryahan leh dabeecad caan ah, wixii xiligan ka dambeeya”.

Majalada caanka ah ee “France Football” ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi uu warkan kula hadlayay xiddigihiisa sare lacagaha qaaliga ah ku fadhiya ee Neymar Jr iyo Kylian Mbappé.

Kylian Mbappé ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan, iyadoo madaxweynaha kooxda ee Florentino Perez uu doonayo inuu si xoogan u xoojiyo naadiga, si ay markale dib ugu soo laabtaan u dagaalamida tartamada kala duwan ay qeybta ka noqon doonaan xili ciyaareedka soo socda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close