Kooxda Manchester City oo ku dhow inay dhammaystirto saxiixa xiddig ka tirsan Juventus

(Manchester) 16 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa la soo warinayaa inay ku dhow dahay inay dhammaystirto saxiixeedii ugu horreeyey ee xagaaga, waxaana ay Juventus ka soo qaadanayaan Joao Cancelo.

Marwada Duqda ah kooxda lagu naanayso ee Juve ayaa la soo sheegayaa inay ogolaatay inay Man City ka iibiso Joao Cancelo.

25-sano jirkaan ayaa kaliya hal xilli ciyaareed ku qaatay garoonka Allianz Stadium, isagoo saftay 34 kulan tartammada oo dhan.

Warsidaha ka soo baxa dalka Talyaaniga ee Calciomercato ayaa shaaca ka qaaday in imaashiyaha Juve ee macallin Maurizio Sarri ay diyaar ka dhigeyso in Cancelo uu tago maxaa yeelay sababo xeeladeed.

Man City ayaa haatan la filayaa inay soo gabagabeyso heshiiska ay kula soo wareegeyso daafacan dambeedka midig si uu tartan ula galo Kyle Walker.

Cancelo ayaa 14 kulan u saftay xulka qaranka Portugal, waxaana uu sidoo kale diiradda u saarnaa kooxda Manchester United.

Dhinaca kale, Walker ayaa la warinayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda ku ciyaarta garoonka Etihad, kaasoo Sky Blue ku sii hayn doona illaa sanadka 2024-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close