Xiliga uu Antoine Griezmann ku biirayo kooxda Barcelona oo shaaca laga qaaday

(Madrid) 15 Juunyo 2019. wargeyska “Mundo Diortwo” ayaa daaha ka qaaday xiliga uu ku biirayo Antoine Griezmann kooxda reer Catalonia ee Barcelona.

Antoine Griezmann ayaa mudo dhan laba isbuuc kahor ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Atletico Madrid xagaagan.

Tan iyo markii uu xiddiga reer France ku dhawaaqay inuu ka tagayo Atletico Madrid labo isbuuc ka hor, waxaa si aad ah loola xiriiriyay kooxaha Barcelona, ​​Manchester United, Paris St Germain iyo Bayern Munich.

Hadaba Madaxa fulinta ee kooxda Atletico Madrid ee Miguel Ángel Gil Marín ayaa wuxuu dhawaan sheegay:

“Waxaan si cad u ogahay meesha uu Antoine Griezmann ka ciyaari doono, halka uu u socdo waa wax iska cad tan iyo bishii lasoo dhaafay eeMaarso, waana Barcelona”.

Antoine Griezmann ayaa sidoo kale wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Waan ogahay halka aan ku ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda”.

Yeelkadeeda, Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa sheegay in Antoine Griezmann uu ku biiri doono kooxda Barcelona 14-ka July.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close