RASMI: Xulka qaranka Canada oo iska xaadiriyey wareegga 16-ka Koobka Adduunka ee Dumarka kaddib guul ay ka gaareen New Zealand… + SAWIRRO

(Paris) 15 Juunyo 2019. Gabdhaha xulka qaranka Canada ayaa u soo baxay wareegga bug-baxa ee 16-ka Koobka Adduunka ee dumarka markoodii saddexaad taariikhdooda.

Xulka Canada waxa ay 2-0 ku garaaceen dhiggooda New Zealand kulan ka tirsanaa guruubka E Koobka Adduunka ee haweenka kaasoo ka soconaya magaalada Paris ee Caasimadda Faransiiska.

Kulankan ayaa qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan, balse gabdhaha Canada ayaa labada gool oo ay ku adkaadeen la yimid qeybtii labaad ee ciyaarta.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee kulankan xulka qaranka Dumar ee Canada ayaa goolka daah furka ah ka helay 48’daqiiqo Jessie Fleming, gabdhaha New Zealand ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.

Bandhigga wacan ee gabdhaha Canada ayaa halkiisa ka sii socday, waxaana ay la yimaadeen goolka labaad ee kulankan dhammaadkii ciyaarta, iyadoo 79’daqiiqo ay u saxiixday Nichelle Prince  kulanka ayaana ku soo dhammaaday 2-0 looga adkaaday New Zealand.

Gabadha xulka qaranka Canada ayaana iska xaadiriyey markoodii saddexaad taariikhda heerka bug-baxa ee 16-ka Koobka Adduunka ee Haweenka.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close