Kooxo burcad ah oo u dhacay guriga xiddig ka tirsan Real Madrid

(Madrid) 15 Juunyo 2019. Xiddig ka tirsan kooxda Real Madrid ayaa la kulmay war aan wanaagsaneyn saakay oo Sabti ah, kaddib markii ay kooxo burcad ah xatooyo ku sameeyeen gurigiisa.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa xaqiijiyay in xiddiga reer Spain ee Lucas Vázquez oo 27 jir ah ay kooxo burcad ah u dhaceen gurigiisa ee ku yaala magaalada Madrid ee dalka spain, balse isaga xiligaas kuma uusan sugneyn gudaha.

Ciyaaryahanka Real Madrid ee Lucas Vasquez ayaa banaanka kaga maqnaa gurigiisa isaga iyo qoyskiisa, marka ay burcada xatooyada ku sameynayeen, waxaana la sheegay inay ka qaateen alaabo qaali ah.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Zidane iyo Isco ay ahaayeen magacyada kale ee ka tirsan kooxda Real Madrid ee iyagana la kulmay falal xatooyo ah dhawaantan.

Yeelkadeeda, guryaha ciyaartoyda ku xamaasha kubadda cagta ayaa waxay bar-tilmaameed buuxa u noqdeen tuugada ku sugan Spain oo dhan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close