RASMI: Kooxda AC Milan oo Paolo Maldini u magacaabatay agaasimaheeda cusub ee Farsamada

(Milano) 14 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa Paolo Maldini u magacaabatay agaasimaheeda cusub ee Farsamada.

Maldini ayaa dib ugu soo laabtay AC Milan, iyadoo Naadiga Rossoneri ay kabtankeedii hore ee Paolo Maldini u magacaabtay agaasimaheeda cusub ee dhanka Farsamada.

AC Milan ayaa si rasmi ah u soo dallacsiisay halyeygeeda Paolo Maldini, waxaana ay ka dhigtay agaasimaha farsamada kooxda.

Paolo Maldini ayaa horay u ahaa Agaasimaha isboortiga iyo horumarinta cayaaraha ee kooxda, laakiin bixitaankii Leonardo ayaa ku hoggaamiyey in loo soo dallacsiyo booskan.

50-sano jirkaan ayaa safasho rikoor ah oo 902 kulan ah u saftay kooxda Diavolo lagu naanayso intii u dhaxaysay 1985-kii iyo 2009-kii, waxaana uu kula guuleystay 26 koob intii lagu jiray waqtigaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close