“Maqnaanshiyaha Neymar waxay fursad siineysaa ciyaatoyda kale” – Tababare Tite

(America) 14 Juunyo 2019. Macalinka xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa sheegay in maqnaanshiyaha Neymar Jr ay fursad u tahay ciyaartoyda kale.

Neymar Jr ayaa la xaqiijiyay inuu seegayo tartanka Copa America, sababa la xiriira dhaawac soo gaaray, xili sidoo kale lagu tuhmayo kiis ku saabsan kufsi.

Tababare Tite ayaa sidoo kale ka qaaday Neymar Jr calaamada kabtanimada, kaddib dabeecadaha xun ee ciyaaryahanka, wuxuuna ku wareejiyay saaxiibkiis kooxda PSG ee Dani Alves.

Hadaba Tababare Tite oo shir jaraa’id kasoo muuqday kahor bilaabashada Copa America wuxuu saxaafada u sheegay:

“Waxaa banaanka looga hadlaa arinta Neymar Jr in ka badan gudaha xulka Brazil”.

“Xaalada dhaawaca kasoo gaaray dhanka Canqowga wuxuu u muuqdaa mid soo fiicnaanayo, howlgalka lagu baxnaaninayo si dhakhsi ah ayey u socotaa”.

“Maqnaanshiyaha Neymar mar walba ma fiicna, sababtoo ah wuxuu ka mid yahay saddexda xiddig aduunka ugu fiican, balse maqnaanshiyahiisa waxay fursad siineysaa ciyaatoyda kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close