Gabdhaha England oo iska xaadiriyey wareegga 16-ka Koobka Adduunka kaddib markii ay garaaceen dhiggooda Argentina… + SAWIRRO

(Paris) 14 Juunyo 2019. Xulka qaranka England ayaa u soo baxay wareegga 16-ka Koobka Adduunka ee Dumarka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen dhiggooda Argentina.

Kulankan oo ahaa mid aad u adag ayaa qeybtii hore ku soo dhammaaday barbaro goolal la’aan 0-0, inkastoo Vanina Correa oo ka tirsan England rigoore laga qabtay.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka England ayaa la yimid goolka qura oo ay ku adkaadeen, waxaana u dhalisay gabdha lambarka 9-aad u qaadata ee Jodie Taylor daqiiqaddii 61’aad, sidaas ayuu kulanka ku soo dhammaaday 1-0 looga adkaaday gabdhaha Argentina.

Xulka England ayaa haatan lix dhibcood ku hoggaaminaya Guruubka D, halka Japan oo ku soo xiga ay leeyihiin 4-dhibcood, taasoo ka dhigan in gabdhaha Ingiriisku ay xaqiijiyeen inay u soo gudbeen wareegga bug-baxa ee 16-ka Koobka Adduunka Haweenka 2019.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close