Xulka qaranka gabdhaha China oo guul ka gaaray dhiggooda South Africa kulan ka tirsanaa Koobka Adduunka ee Dumarka… + SAWIRRO

(Paris) 13 Juunyo 2019. Xulka qaranka Gabdhaha China ayaa guul muhiim ah 1-0 ka gaartay dhiggooda South Africa kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka B ee koobka Adduunka Dumarka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku horkacayeen xulka gabdhaha China.

Daqiiqadii 40-aad xulka qaranka Gabdhaha ee China ayaa hogaanka u qabtay ciyaarta, waxaana goolka u dhalisay Li Ying oo cawin ka heshay saaxiibteed Zhang Rui, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulka gabdhaha labada xul ayaa halkooda ka sii watay bandhigoodii fiicnaa ee dheesha, si ay u abuuran fursado ay ku dhalin karaan goolal, balse way ku fashilmeen inay sidaas sameeyaan.

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday 1-0 oo xulka gabdhaha China ay kaga adkaadeen dhiggooda South Africa kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close