Xulka qaranka gabdhaha Australia oo cashir u dhigay dhiggooda Brazil kulan ka tirsanaa Koobka Adduunka ee Dumarka… + SAWIRRO

(Paris) 13 June 2019. Xulka qaranka Gabdhaha Australia ayaa guul muhiim ah 3-2 ka gaartay dhiggooda Brazil kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka C ee koobka Adduunka Dumarka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku horkacayeen xulka gabdhaha Brazil.

Daqiiqadii 27-aad xiddigta caanka ah ee Marta ayaa hogaanka u dhiigtay xulkeeda qaranka Brazil, kaddib markii ay dhalisay gool rigoore ah, waxayna ciyaarta ka dhigtay 1-0.

Markalee xulka qaranka Gandhaha ee Brazril ayaa hogaanka dheereystay kaddib markii ay gabadha lagu magacaabo Cristiane ciyaarta ka dhigtay 2-0, waxaana goolkan ka caawisay saaxiibteed Debinha.

Laakiin daqiiqadii 45-aad xulka qaranka Gabdhaha Australia ayaa waxay heleen gool waxaana u dhalisy Caitlin Foord, kaddib caawin ay ka heshay xiddigta lagu magacaabo Logarzo.

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulka gabdhaha Australia ayaa halkooda ka sii watay bandhigoodii fiicnaa, si ay ciyaarta dhinaca kale ugu dhigaan.

Daqiiqadii 58-aad Logarzo ayaa ciyaarta ka dhigtay barbaro 2-2 ah, kaddib caawin ay ka heshay saaxiibteed Gielnik.

66 daqiiqo Monica oo ka tirsan xulka qarabka gabdhaha Brazil ayaa si kam ah gool isaga dhalisay waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 3-2.

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday 3-2 oo xulka gabdhaha Australia ay kaga adkaadeen dhiggooda Brazil kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close