Wargeyska “AS” oo shaaca ka qaaday liiska 10-ka tababare ee ugu fiican xilli ciyaareedka 2018/2019… (Yaa Ka Maqan Yaase Ku Soo Baxay?)

(Madrid) 13 June 2019. Wargeyska Isbaanishka ah ee “AS” ayaa daabacay daraasad uu ku sameeyay 10-ka tababare ee ugu fiican xilli ciyaareedka 2018/2019, xili macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola uu liiskan ka galay booska koowaad.

Xilli ciyaareedka 2018/2019 ayaa hubaal ah inuu ahaa mid aad ugu fiican Pep Guardiola isagoo hogaaminaya kooxda Manchester City, maadaama ay Skay Blues ku wada guuleysatay saddexda koob ee maxaliga ah, Premier League, EFL Cup iyo FA Cup, Guardiola ayaana kaalinta koowaad ku galay kaddib markii uu helay 82.8 dhibcood, halka ay ka ahayd 100 dhibcood.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kaalinta labaad ku galay 80 dhibcood kaddib markii uu Reds la qaaday tartanka Champions League.

Inkastoo Zinedine Zidane ka maqnaa shaqada tababarka in mudo ah, kahor inta uusan dib ugu soo laabanin Real Madrid bishii Maarso, hadana wuxuu liiskan kasoo galay kaalinta 3-aad, kaddib markii uu helay 77.6 dhibcood.

Hadaba halka hoose kaga boggo liiska 10-ka tababare ee ugu fiican xilli ciyaareedka 2018/2019:

Pep Guardiola “82.8 dhibcood”.

Jürgen Klopp “80 dhibcood”.

Zidane “77.6 dhibcood”.

Massimiliano Allegri (75.7 dhibcood).

Mauricio Pochettino (73.6 dhibcood).

Diego Simeone (71.5 dhibcood).

Ernesto Valverde (64.4 dhibcood).

Unai Emery “62.1 dhibcood”.

Carlo Ancelotti (61.9 dhibcood).

Maurizio Sarri (61.6 dhibcood).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close