Real Madrid oo soo bandhigtay xiddigeeda cusub ee Eden Hazard … + SAWIRRO

(Madrid) 13 June 2019. Real Madrid ayaa ugu soo bandhigtay laacibkeeda cusub ee Eden Hazard garoonka Santiago Bernabeu warbaahinta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha kooxda Florentino Perez.

Kaddib markii uu dhawaan si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaadka isla markaana uu saxiixay heshiiska cusub, Hazard ayaa sawirro xusuus ah kula galay matxafka kooxda madaxweynaha Florentino Perez.

Laakiin arinta xiisaha leh ayaa ah in maaliyada lagu sawiray Eden Hazard uusan ku qorneen wax lambar ah, iyadoo ay jireen warar xan ah sheegayay inuu xiran doono maaliyada No. 7-aad.

Eden Hazard wuxuu u saxiixay kooxda Real Madrid heshiis 5 xilli ciyaareed ah, ee gaaraya ilaa iyo 2024, waxaana lagu qiyaasay in heshiiskan uu ku kacay aduun dhan 150 milyan euro.

15604472689305

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close