Eden Hazard oo ka gudbay Tijaabada CAAFIMAAD ee kooxda Real Madrid

(Madrid) 13 June 2019. kooxda Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in laacibkeeda cusub ee Eden Hazard uu si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaadka .

Edine Hazard oo 28 jir ah, ayaa baaritaan caafimaad ku maray Hospitalka Sanitas La Moraleja maanta oo khamiis ah.

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu xaqiijisay Website-keeda iyo sidoo kale boggageeda rasmiga ah ee baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter in Hazard uu si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaadka.

Hazard ayaa kaddib baaritaanada caafimaad uu maray wuxuu saxiixi doonaa qandaraas 5 sano ku sii heyn doono garoonka Santiago Bernabéu, waxaana xiliyada soo aadan loogu soo bandhigi doonaa gudaha Bernabéu jamaahiirta iyo warbaahinta.

kooxda Real Madrid ayaa war rasmi ah oo ay xalay soo saartay  ku xaqiijisay in xiddiga reer Belgian lagu soo bandhigi doono garoonka Santiago Bernabeu maaanta oo khamiis ah taariikhdu ay tahay 13-ka Juunyo, 8-da fiidnimo saacada geeska Africa.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday 7-da bishan inay dhammaystirtay heshiiska Eden Hazard, kaasoo ku heyn doona Los Blancos mudo 5 xili ciyaareed ah ee gaaraya ilaa iyo dhamaadka bisha June 2024.

 There were plenty of fans eagerly awaiting the Belgian's arrival

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close