Xulka qaranka gabdhaha Germany oo guul muuhiim ka gaaray dhiggooda Spain kulan ka tirsan Koobka Adduunka ee Dumarka… + SAWIRRO

(Paris) 12 Juunyo 2019. Xulka qaranka Gabdhaha Germany ayaa guul muhiim ah 1-0 ka gaartay dhiggooda Spain kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka B ee koobka Adduunka Dumarka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku horkacayeen xulka gabdhaha Germany.

Daqiiqadii 42-aad ee ku dhawaad dhamaadka qeybta hore ee ciyaarta xiddigta lagu magacaabo Sara Daebritz ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda Germany, waxayna ciyaarta ka dhigtay 1-0.

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulalka gabdhaha Germany iyo Spain ayaa halkooda ka sii watay bandhigoodii fiicnaa, waxayna labada dhinacba isku dayeen inay abuuraan fursado si ay goolal u dhaliyaan.

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday 1-0 oo xulka gabdhaha Germany ay kaga adkaadeen dhiggooda Spain kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close