Xulka qaranka gabdhaha France oo guul ka gaaray dhiggooda Norway kulan ka tirsan Koobka Adduunka ee Dumarka… + SAWIRRO

(Paris) 12 Juunyo 2019. Xulka qaranka Gabdhaha France ayaa guul muhiim ah 2-1 ka gaaray dhiggooda Norway kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka A ee koobka Adduunka Dumarka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah maadaama ay labada xul ku fashilmeen in wax gool ah ay iska dhaliyaan.

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulalka gabdhaha France iyo Norway ayaa halkooda ka sii watay bandhigoodii fiicnaa, waxayna labada dhinacba isku dayeen inay abuuraan fursado si ay goolal u dhaliyaan.

Daqiiqadii 46-aad ee qeybta labaad ciyaarta xiddigta lagu magacaabo Valerie Gauvin ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda France, waxayna ciyaarta ka dhigtay 1-0, kaddib caawin ay ka heshay saaxiibteed Amel Majr.

Laakiin daqiiqadii 54-aad xiddigta reer France ee Wendie Renard ayaa si kam ah gool ay isaga dhalisay waxay waxay ciyaarta ku noqotay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 72-aad gabadha lagu magacaabo Eugenie Le Sommer ayaa dhalisay gool rigoore ah, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 2-1 ay hogaanka kula wareegeen Xulka qaranka Gabdhaha France

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday 2-1 oo xulka gabdhaha France ay kaga adkaadeen dhiggooda Norway kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close