WAR CUSUB: Madaxa fulinta Atletico Madrid oo si cad u sheegay kooxda uu Griezmann ku biirayo

(Madrid) 12 Juunyo 2019. Madaxa fulinta kooxda Atletico Madrid ee Miguel Ángel Gil Marín ayaa ku dhawaaqay kooxda uu ku biirayo Antoine Griezmann.

Antoine Griezmann ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay ku dhawaad mudo laga joogo labo isbuuc inuu ka tagayo safka Atletico Madrid xagaagan.

Tan iyo markii uu xiddiga reer France ku dhawaaqay inuu ka tagayo Atletico Madrid seddex isbuuc ka hor, waxaa si aad ah loola xiriiriyay kooxaha Barcelona, ​​Manchester United, Paris St Germain iyo Bayern Munich.

Laakiin waxay u muuqataa in Antoine Griezmann uu si fiican u garanayo talaabada xigta uu qaadi doono, kaliya wuxuu sugayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo.

Hadaba wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay Madaxa fulinta kooxda Atletico Madrid ee Miguel Ángel Gil Marín waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image result for Antoine Griezmann and Miguel Ángel Gil Marín

“Waxaan si cad u ogahay meesha uu Antoine Griezmann ka ciyaari doono, halka uu u socdo waa wax iska cad tan iyo bishii lasoo dhaafay eeMaarso, waana Barcelona”.

Hadalka Madaxa fulinta kooxda Atletico Madrid ee Miguel Ángel Gil Marín ayaa wuxuu imaanayaa xili uu sidoo kale dhawaan Antoine Griezmann wareysi uu bixiyay ku sheegay:

“Waan ogahay halka aan ku ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close