Real Madrid oo war rasmi ah kasoo saartay xilliga ay soo bandhigi doono Eden Hazard

(Spain) 12 Juunyo 2019. Kooxda Real Madrid ayaa maanta ku shaacisay website-keeda rasmiga ah xiliga ay soo bandhigi doono laacibkeeda cusub ee Eden Hazard.

Warka rasmiga ah ee kasoo baxay kooxda Real Madrid ayaa lagu xaqiijiyay in xiddiga reer Belgian lagu soo bandhigi doono barri oo khamiis ah taariikhda ay tahay 13-ka Juunyo, 8-da fiidnimo saacada geeska africa, garoonka Santiago Bernabeu.

Kaddib marka uu ka gudbo tijaabada caafimaadka, ciyaaryahankii hore ee kooxda Chelsea ayaa lagu soo bandhigi doonaa garoonka Santiago Bernabeu isagoo xiran maaliyada cadaanka ah ee Real Madrid iyadoo ay halkaas ku sugnaan doonaan warbaahin iyo jamaahiir fara badan.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday 7-da bishan inay dhammaystirtay heshiiska Eden Hazard, kaasoo ku heyn doona Los Blancos mudo 5 xili ciyaareed ah ee gaaraya ilaa iyo dhamaadka bisha June 2024.

Inkastoo qiimaha heshiiska aan si rasmi ah loo shaacinin, hadana saxaafada gudaha dalka Spain ayaa soo warisay in Real Madrid 100 milyan euro ay ku bixisay heshiiska Eden Hazard.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close