RASMI: Manchester United oo dhameystirtay heshiiska Daniel James

(Manchester) 12 Juunyo 2019. Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah ula saxiixatay Daniel James, kaasoo kaga soo dhaqaaqay Swansea City.

Manchester United ayaa war rasmi ah ay ku daabacday website-keeda rasmiga ah, iyo sidoo kale boggageeda rasmiga ah sida Facebook iyo Twitter waxay ku xaqiijisay inay dhameystirtay saxiixa Daniel James.

Manchester United ayaa Jimcihii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay kala heshiisay Swansea City saxiixa Daniel James, kahor inta aysan wakhti yar kahor ku dhawaaqin in heshiiskan si rasmi ah u dhameystirtay.

Daniel James ayaa Kooxda Manchester United u saxiixay qandaraas 5 sano ku sii heyn doono garoonka Old Trafford,  kaasoo gaaraya ilaa iyo xagaaga 2024.

فيديو مُضمّن

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close