“Kaliya hal arin ayaan kaga tagi doonaa kooxda Manchester City” – Guardiola

(Manchester) 12 Juunyo 2019. Macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa meel ku xiray wararka xanta ah ee ku aadan inuu ku biirayo kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Hadalka Pep Guardiola ayaa wuxuu imaanayaa si uu kaga jawaabo kaddib warar ay baahiyeen wargeysyada “Mirror” iyo “The Sun”, ee ku aadanaa in Pep uu qorsheynayo inuu qaato fasax mudo sanad ah, hadii uu xilli ciyaareedka dambe ku guuleysan waayo tartanka Champions League.

Laakiin Pep Guardiola ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

“Ma qaadan doono fasax mudo sanad ah, waxa ay sheeganayaan saxaafadu ma ahan wax sax ah”.

“Waxaa ka harsan heshiiskeyga kooxda Manchester City mudo labo sano ah, hadii aysan iga ceyrinin shaqada waan sii joogi doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray tababare Pep Guardiola.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close