“Cristiano waa xiddiga aan ku dayan doono, diyaar ayaana u ahay loolanka Benzema” – Luka Jović

(Madrid) 12 Juunyo 2019. Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Jović ayaa maanta shir jaraa’id qaas ah ee lagu soo bandhigayay kaga soo muuqday garoonka Santiago Bernabeu.

Luka Jović oo maanta si guul ah kaga gudbay tijaabada caafimaadka, ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arimood ee quseeya imaatinkiisa kooxda Real Madrid iyo riyooyinka uu doonayo inuu la gaaro Los Blancos xili ciyaareedka soo socda.

Weeraryahanka ee kooxda Real Madrid ayaa wuxuu ugu horeyn sheegay:

“Sidii aan sheegay wax yar kahor, waxaan ahay kan ugu farxada badan adduunka xiligan la joogo”.

“Haa, waxaan xiran jiray maaliyada Real Madrid markii aan yaraa”.

“Cristiano Ronaldo wuxuu noqon doonaa xiddiga aan kaga dayan doono kooxda Real Madrid”.

“Waxaan ku riyoodaa inaan ku guuleysto Champions League halkan, la ciyaarista Eden Hazard iyo Benzema ayaa noqon doona mid gaar ah”.

“Haa, waan ogahay inay jiri doonaan tartan adag oo dhex mara aniga iyo Karim Benzema, tababaraha ayaana arintaas go’aansan doona”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close