Xulka qaranka gabdhaha Sweden oo garaacay dhiggooda Chile kulan ka tirsan Koobka Adduunka ee Haweenka… + SAWIRRO

(Paris) 11 Juunyo 2019. Xulka qaranka Sweden ayaa guul ka gaartay dhiggooda Chile kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka.

Waxa uu kulankan ka tirsanaa guruubka F ee koobka Adduunka Dumarka, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta xulka gabdhaha ee qaranka Sweden ayaa labo gool la yimid, taasoo ay kaga adkaadeen dhiggooda Chile.

Labada gool ee kulankan waxa ay gabdhaha Sweden dhammaadkii ciyaarta ka kala heleen 83’daqiiqo Kosovare Asllani iyo 90’daqiiqo Madelen Janogy, sidaas ayaana looga adkaaday gabdhaha Chile.

Kulankan roob ayaa hareeyey, laakiin ugu dambeyn waxaa guushoodii ugu horreeyey qaatay xulka Sweden oo haatan saddex dhibcood ku hoggaaminaya guruubka F.

Dhinaca kale caawa waxaa wada ciyaari doona kulan ka tirsan Guruubkan F xulalka gabadhaha USA iyo kuwa Thailand.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close