“Malaha Hazard waa ciyaaryahanka ugu fiican ee aan kula kulmay Premier League” – Xiddig ka tirsan Liverpool

(England) 11 June 2019. Xiddiga Liverpool ee Andrew Robertson ayaa amaanay laacibka reer Belgian iyo kooxda Real Madrid ee Eden Hazard.

Andrew Robertson ayaa sheegay in Eden Hazard uu qeyb ka yahay xiddigaha ugu fiican kubadda cagta ee xiligan la joogo, isagoo sheegay inuu u qalmo heshiiska weyn uu ugu biiray kooxda Real Madrid.

“Waa ciyaaryahan heer caalami ah, malaha Eden Hazard waa ciyaaryahanka ugu fiican ee aan kula kulmay horyaalka Premier League”.

“Wuu u qalmaa heshiiska uu ugu biiray kooxda Real Madrid, shaqo wanaagsan ayuu ka qabtay Chelsea sanadihii ugu dambeeyay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close