Goolhaye Jan Oblak oo barbareeyey Víctor Valdés kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta…

(Yurub) 11 Juunyo 2019. Goolhayaha kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa barbareeyey goolhayaha kale ee Víctor Valdés, kaddib markii uu ku guuleystay abaal-marinta Zamora Trophy.

Jan Oblak ayaa ku guuleystay abaal-marinta Zamora Trophy afar xilli ciyaareed oo xiriir ah waxaana uu sidaas ku barbareeyey Víctor Valdés oo isna sidaas oo kale horay u sameeyey.

Abaal-marinta Zamora Trophy waa abaal-marin la siiyo goolhayaha laga dhaliyay goolasha ugu hooseeya ama ugu yar.

Kaliya labo goolhaye ayaa abaal-marintan Zamora Trophy ku guuleystay afar xilli ciyaareed oo xiriir ah, waxaana ay kala yihiin; Víctor Valdés iyo Jan Oblak.

Abaal-marinta Zamora Trophy ayaa afar xilli ciyaareed oo isku xiga horay ugu guuleystay intii u dhaxaysay xilli ciyaareedkii 2008-09 illaa fasal ciyaareedkii 2011-12.

Jan Oblak ayaana rikoorkaas Valdés barbareeyey kaddib markii uu noqday goolhayaha labaad ee Abaal-marintan Zamora Trophy ku guuleystay afar xilli ciyaareed oo xiriir ah; waxaana uu qaaday kal ciyaareedkii 2015-16 illaa xilli ciyaareedkii hadda dhammaaday ee 2018-19.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close