“Waxaan ku guuleystay wax walba si aan gacanta ugu dhigo Ballon d’Or” – Cristiano Ronaldo

(Yurub) 10 Juunyo 2019. Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa iska difaacay eedeymaha joogtada ah loo jeedinayo mararka qaar, isagoo sheegay inuusan marnaba luminin heerkiisii lagu yaqiinay, kaddib markii uu xulkiisa Portugal kula guuleystay koobka UEFA Nations League.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareed fiican qaatay, kaddib markii uu xulkiisa qaranka Portugl kula guuleystay koobkiisii 2-aad ee caalami ah, inkastoo uusan gool dhalinin ciyaartii xalay ee finalka ahayd, laakiin wuxuu dhaliyay seddexleey kulankii semi-finalka ay kula ciyaareen Switzerland.

Hadaba Cristiano ayaa u arka inuu xili ciyaareed cajiib ah la qaatay kooxda Juventus iyo xulkiisa Portugal, kaddib markii uu kula guuleystay 3 koob, taasoo u ogolaaneysa inuu si adag ugu tartamo ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2019.

Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay warbaahinta kaddib markii uu xalay kula guuleystay xulkiisa qaranka Portugal koobka UEFA Nations League:

“Ma jiro wakhti aan si xun u ciyaaray, muddo 16 sano ah rikoorada waxay ahaayeen kuwo isku mid ah, waxaan soo bandhigay xirfadeyda ciyaareed ee kubadda cagta, iyadoo aan loo eegin waxa ay dadku mararka qaarkood ka hadlaan, waxba igama quseeyaan waxa ay dadku sheegaan mararka qaar, sababtoo ah rikoorrada ayaa wax walba cadeenaya”.

“Abaal marinada shaqsiga ah?.. wax walba wey ku caawinayaan, balse aniga ahaan xiiso uma qabo abaal marin, xaalada waxay u socotaa si caadi ah, si cad ayaan u jeclahay, anigu been kama sheegi karo arintaas”.

Intaas kaddib Cristiano Ronaldo ayaa la weydiiyay suurtagalnimada uu sanadkan ugu guuleysan karo abaal marinta Ballon d’Or 2019 wuxuuna ku jawaabay:

“Waxaan ku guuleystay 3 koob, maxaan kaloo samayn karaa oo dheeraad ah?, runtii ma garanayo, waxaan kuu deenayaa inaad adigu qiimeyso, waxaad tahay qofka qiimeynaya arintaas ee anigu ma ihi”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close