Mid ka mid ah halyeeyada kubadda cagta oo sheegay xulka ugu cad cad ee ku guuleysan kara Copa America

(America) 10 Juunyo 2019. Halyeeyga reer Uruguay iyo kooxda Inter Milan ee Álvaro Recoba ayaa Dhowr maalmood ka hor bilaabashada tartanka Copa America sheegay xulka ugu cad cad ee ku guuleysan kara.

Tartanka Copa America oo la daah furi doono 14-ka bishan Juunyo ayaa wareysi uu bixiyay halyeeyga Álvaro Recoba wuxuu ku sheegay in marti galiyaasha tartankan ee Brazil uu yahay xulka ugu cad cad ee ku guuleysan kara tartankan.

Álvaro Recoba oo la weydiiyay su’aal ahayd waakee musharaxa ugu xoogan ee ku guuleysan kara Copa America ayaa ku jawaabay:

Image result for alvaro recoba 2019

“Dabcan xulka Brazil ayaa ah musharaxa ugu xooggan ee ku guuleysan kara Copa America, gaar ahaan maadaama ay yihiin martigaliyaasha tartankan”.

“Sidoo kale xulka Argantina ayaa ah musharax aan caadi ahayn maadaama uu hogaaminayo Lionel Messi, laakiin marka uu tartanka bilaawdo waxaa suuragal noqon karta inay jiraan waxyaabo badan ee layaab ah”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close