Caawiyaha tababare Luis Enrique oo si weyn u difaacay Sergio Busquets, kaddib markii lagu eedeeyay…..

(Spain) 10 Juunyo 2019. Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa garab istaag xoogan ka helay Robert Moreno oo ah caawiyaha macalinka xulka qaranka Spain ee Luis Enrique, kaddib markii lagu dhaleeceeyay in hoos u dhac uu ku yimid qaab ciyaareedkiisa.

Sergio Busquets ayaan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican kulamadii ugu dambeeyay ee xili ciyaareedkii dhawaan lasoo gaba-gabeeyay ee 2018-2019 waa sida ay u arkaan taageerayaasha kooxda Barcelona.

Jamaahiirta ayaa aaminsan inay ahayd mid ka mid ah sababaha ay guuldarada 4-0 ahayd ay kala kulmeen kooxda Liverpool kulankii lugta labaad ee wareega afar dhamaadka Champions League, hoos u dhaca ku yimid qaab ciyaareedka Sergio Busquets, taasoo sidoo kale ay u arkaan inay sababtay guuldaradii finalkii Copa del Rey ay kula ciyaareen Valencia.

Yeelkadeeda, Sergio Busquets ayaa haatan qeyb ka ah liiska xiddigaha xulka qaranka Spain ee haatan isku diyaarinaya kulanka ay caawa la ciyaari doonaan Sweden ee ka tirsan isreebreebka koobka Euro 2020.

Hadaba Robert Moreno oo kahor ciyaartan kasoo muuqday shir jaraa’id ayaa wuxuu si weyn u difaacay Sergio Busquets waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Busquets wuxuu sare u qaaday rajadeena, qof walbana wuxuu xur u yahay inuu muujiyo fikirkiisa, laakiin isaga waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee soo martay kubadda cagta”.

“Waxaan si fiican u bartay muddadii saddexda sano ahayd ee aan kala shaqeeyay kooxda Barcelona, waa ciyaaryahan ku haboon macalin kasta, mar walba waa mid aad u xamaasadeysan taasina waa arin aad u wanaagsan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close