“Waxaan qabaa in Hazard uu isbedel ku sameyn doono Real Madrid” – Thibaut Courtois

(Madrid) 09 Juunyo 2019. Goolhayaha Real Madrid Thibaut Courtois ayaa aaminsan in saaxiibkiis Eden Hazard uu bandhig fiican ka sameyn doono Los Blancos, isagoo sheegay inay hubaal thay inuu isbadal ka sameyn doono kooxda.

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhammaystirtay heshiiska Eden Hazard, kaasoo ay lacag rikoorka kooxda ah ee gaarsiisan 100 milyan euro kaga soo qaadatay naadiga reer England ee Chelsea.

Eden Hazard ayay markale hal koox ka wada ciyaari doonaan saaxiibkiis ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Thibaut Courtois, kaddib markii ay kasoo wada ciyaareen Chelsea, kahor inta uusan Courtois ka dhaqaaqin Blues xagaagii lasoo dhaafay.

Hadaba sida laga soo xigtay shabakada caalamiga ah ee “Goal”  Thibaut Courtois ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

“Hadii aan ka hadlo Hazard imaatinkiisa dalka Spain, wey u fududaan doontaa”.

“Waa wax aad u wanaagsan inaan markale wada ciyaarno, Eden Hazard waa saaxiibkey, si wanaagsan ayaana u garanayaa, waxaan la dhaqmay qoyskiisa, waana ku faraxsanahay joogitaankiisa kooxda Real Madrid”.

“Waxay u wanaagsanaan doontaa Real Madrid, waxaan qabaa in Hazard uu isbedel ku sameyn doono kooxda, waxaana rajeynayaa inaan koobab badan ku guuleysan doono xilli ciyaareedka soo aadan”.

Waxaa xusid mudan in Real Madrid ay ilaa iyo haatan sameysay saxiixyada 4 ciyaaryahan kuwaasoo kala ah Eden Hazard, Rodrygo Goes, Éder Militão iyo Luka Jović.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close