Sergio Ramos oo ka aragti dhiibtay heshiiska uu Eden Hazard ku yimid Real Madrid

(Madrid) 09 Juunyo 2019. Daafaca reer Spain iyo kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay heshiiska uu Eden Hazard ku yimid Los Blancos xagaagan.

Real Madrid ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhammaystirtay heshiiska Eden Hazard, kaasoo ay lacag rikoorka kooxda ah ee gaarsiisan 100 milyan euro kaga soo qaadatay naadiga reer England ee Chelsea.

Sergio Ramos ayaa haatan ku sugan xerada tababarka ee xulka qaranka Spain, si ay ugu diyaar garoobayaan kulanka ay Isniinta soo aadan la ciyaari doonaan dhigooda Sweden.

Sergio Ramos ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay imaatinka Eden Hazard ee kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay, waa heshiis aad u fiican, sababtoo ah Eden Hazard waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka”.

“Waa wax aad u wanaagsan in kooxda lagu xoojiyo ciyaartoyda noocaan oo kale”.

Sergio Ramos ayaa hadalkiisa intaas ku sii daray:

“Si aan u noqono kuwa ugu fiican, waa inaan muujinaa inaan ku guuleysan karno bar-tilmaameedyadeena oo dhan, hadii ay ahaan lahayd koobka aduunka ama tartamada Yurub”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close