Kulan ka tiran horyaalka Somali Premier League oo galabta la ciyaarayo

(Muqdisho) 09 Juunyo 2019. Kooxaha Elman iyo Gaadiidka ayaa galabta ku ballansan garoonka Banaadir ee degmada Cabdi-casiis, ciyaar ka tirsan horyaalka Somali Premier League.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan naadiga Elman ayaa rabta inay soo gasho kaalmaha ugu horreya horyaalka, halka Gaadiidka ay iska ilaalineyso inay u dhacdo horyaalka heerka labaad ee dalka.

XAQIIQOOYINKA KULANKAN:-

Kooxda kubadda cagta Elman kulankii ugu dambeeyay waxa ay 2-1 ugu soo adkaatay naadiga ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Heegan kulan ciyaareed dhacay 02-05-2019.

Wiilasha Gaadiidka ama Otobaarka ciyaartii ugu dambeysay waxay 2-0 ku kala dirtay kooxda Madbacadda Qaranka.

Naadiga Elman kulanka galabta waxaa dib ugu soo laabanaya ciyaaryahankeeda lagu magacaabo Nuur Ibraahim Cali (Towtow) kaasoo kulamadii ugu dambeyay kaarka casaanka ku maqnaa, balse kulan ciyaareedkan diyaar ayuu u yahay kooxdiisa.

Sidoo kale kooxda Elman waxaa galabta kulankan ka maqnaanaya xiddigooda Jamaal kaas oo dhaawac ku seegaya ciyaartan.

Kulankii ugu dambeyay ay labadan kooxood isku arkan wajiga hore ee horyaalka waxaa 3 iyo 1 ku soo adkaatay Naadiga  Elman, ciyaartaasoo dhacday 25-02-2019.

Ogeysiis Ciyaarta:-

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League

Kooxaha: Elman vs Gaadiidka FC

Garoonka: Banadir Stadium

Saacadda: 3:30 galabnnimo saacadda geeska Afrika

W/D: Cabdifitaax Cabdirashiid Abuukar (Naani)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close