Kooxo burcad ah oo u dhacay guriga uu magaalada Madrid ka dagan yahay Alvaro Morata.

(Madrid) 09 June 2019. Weeraryahanka qaranka Spain Alvaro Morata ayaa dhibane u noqday kooxo burcad ah oo jabsaday gurigiisa intii uu ku maqnaa ciyaaraha heerka qaran, waxeyna guriga ka qaateen alaab aan qiimaheeda la shaacin balse la fahamsan yahay iney qaali tahay.

Kooxo burcad ah ayaa go’aansaday iney galaan guriga Alvaro Morata  ee ku yaalla magaalada Madrid xilli uu safar ugu maqnaa wadanka Faroe Island halkaas oo ay qarankiisa kusoo ciyaarayeen kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka qaramada yurub 2020.

Sida warbixinta lagu sheegay marka ay kooxaha burcadda ah galayeen guriga xiddigaan, qoyskiisa wey joogeen, waxaana la fahamsan yahay iney dhaceen alaabo dhaqaale xoogan ku fadhiya sidoo kalana waxey qalqaliyeen oo ay walaac ku abuureen dadkii joogay guriga.

Booliiska ayaa durba ka warhelay dhacdada, kuwaas oo goobta soo gaaray balse nasiib xumo kuma guuleysan iney gacanta ku dhigaan dambiilayaasha.

Ma jiraan wax dhaawac ah oo ay u geysteen guriga iyo sidoo kale qoyska, waxaana hadda socda baaritaanada lagu ogaanayo wax walba oo jira.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close