“Hammigooda ugu weyn wuxuu ahaa iney sawir la galaan Lionel Messi” Ciyaartoy qaran oo la eedeeyay.

(Argentina) 09 June 2019. Xiddigaha xulka Nicaragua ayaa lagu eedeeyay in hammigooda ugu weyn uu ahaa kaliya iney sawir la galaan Lionel Messi kadib wixii ay soo bandhigeen ciyaartii ay qasaaraha weyn kala kulmeen xulka Argentina.

Ciyaartoydaan waxaa lagu eedeeyay ineysan wax culeys ah iska saarin iney hakiyaan Lionel Messi, taasna waxey u horseeday in kabtanka uu laba gool laba daqiiqo ku dhaliyo intii ay socotay ciyaartii ay qarankiisa 5-1 ku dhaafeen wadankaan ku yaalla bartmaha qaaradda America.

Marka ay ciyaarta dhamaatay Lionel Messi waxaa kusoo hareersaday dhamaan ciyaartoyda xulka Nicarague kuwaas oo ka codsaday iney sawir la galaan, shaashadaha ayaa qabtay xiddiga u dhashay Mexico Manuel Rosas balse qaatay dhalshada NIcarague oo sawir ka codsanaya Messi sidoo kalana saaxiibadiisa qaranka ay hareerahiisa taagan yahiin.

Si kastaba ciyaartoyda kasoo muuqday kulankii saaxiibtinimo ee labada xul ku dhexmaray jimcadii garoonka Estadio San Juan del Bicentenario waxey muujiyeen sida ay ugu faraxsan yahiin kaliya la kulanka xiddiga reer Argentina halkii ay diirada saari lahaayeen difaacidda shaatiga dadkooda.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close