XOG: Goolasha uu dhaliyey & Kuwa uu caawiyey Eden Hazard xilli ciyaareed kasta todobadii kal ciyaareed ee uu joogay Chelsea

(Madrid) 08 Juunyo 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dhammaystirtay saxiixa Eden Hazard oo ay ka soo qaateen naadiga Chelsea ee ka dhisan Premier League.

Los Blancos waxa ay xiddigan xulka qaranka Belgium ee Hazard kula wareegtay Adduun dhan 100 milyan oo euro oo u dhiganta 88 milyan oo gini.

Eden Hazard ayaa ka mid noqday 10-ka ciyaaryahan ee ugu qaalisan taariikhda kubadda cagta, waxaana uu ka galay kaalinta sagaalaad.

Waxaan idinla wadaagaynaa goolasha uu dhaliyey xilli ciyaareed kasta iyo kuwa uu caawiyey Hazard todobadii fasal ciyaareed ee uu joogay kooxda Chelsea.

Hazard waxa uu Chelsea guud ahaan u saftay 352 kulan, waxa uu wadar ahaan u dhaliyey 110 gool, isagoo u sameeyey 92 caawin, halka uu kula guuleystay lix koob.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegeynaa goolasha uu dhaliyey iyo kuwa uu caawiyey Hazard xilli ciyaareed waliba todobadii fasal ciyaareed ee uu la joogay Chelsea:-

>- Xilli ciyaareedkii 2012-13 ee ugu horreeyey Chelsea waxa uu Hazard ku lug yeeshay 37 gool, waxa uu dhaliyey 13 gool, isagoo dhiibay ama caawiyey 24 gool.

>- Xilli ciyaareedkii 2013-14 waxa uu Hazard ku lug yeeshay 27 gool oo ay dhalisay Chelsea, waxa uu shabaqa gaarsiiyey 17 gool, isagoo caawiyey 10 gool oo kale.

>- Xilli ciyaareedkii 2014-15 waxa uu Eden Hazard ku lug yeeshay 32 gool, waxa uu u dhaliyey Chelsea 19 gool, isagoo u sameeyey 13 caawin.

>- Xilli ciyaareedkii 2015-16 waxa uu Hazard sameeyey bandhig liita isagoo ku lug yeeshay kaliya 14 gool oo qura, waxa uu dhaliyey 6 gool halka uu dhiibay ama caawiyey 8 gool.

>- Xilli ciyaareedkii 2016-17, Hazard ayaa gacan ka geystay 24 gool oo ay dhalisay Chelsea, waxa uu shabaqa gaarsiiyey 17 gool, halka uu caawiyey 7 gool oo kale.

>- Xilli ciyaareedkii 2017-18, waxa uu Hazard ku lug yeeshay 30 gool oo kooxda Chelsea ah, waxa uu u dhaliyey 17 gool, isagoo caawiyey 13 gool oo kale.

>- Xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey kooxda Chelsea ee 2018-19, Eden Hazard ayaa ku lug yeeshay 38 gool, waxa uu dhaliyey 21 gool, isagoo dhiibay ama caawiyey 17 gool oo kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close