Maurizio Sarri oo xaqiijiyay inay jirto hal shuruud uu ku aadi karo kooxda Juventus

(Yurub) 08 Juunyo 2019. Tababaraha reer Talyaani ee Maurizio Sarri ayaa shaaca ka qaaday inuu ku sii dhawaanayo shaqada tababarka ee kooxda Juventus xilli ciyaareedka soo socda.

Balse Maurizio Sarri ayaa wuxuu dhinaca kale tilmaamay inay jirto hal shuruud uu ugu biiri karo kooxda reer Talyaani ee Juventus, taasoo la xiriirta naadiga Chelsea.

Waxaa jiray hadalo sii kordhayay maalmihii la soo dhaafay ee ku saabsanaa in Maurizio Sarri uu ka tagayo Chelsea, si uu macalin ugu noqdo kooxda Juventus, kaddib markii uu ka tagay Massimiliano Allegri.

Inkastoo uu Maurizio Sarri kula guuleystay kooxda Chelsea taranka UEFA Europa League, isla markaana ay booska afaraad kaga dhameystay Blues dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, hadana waxaa shaki xoogan la galinayaa mustaqbalkiisa garoonka Stamford Bridge.

Hdaba Maurizio Sarri oo wax laga weydiiyay wararka lala xiriirinayo inuu ku biirayo kooxda Juventus ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan sugeynaa ilaa iyo Isniinta, waxaan ku biiri doonaa Juventus haddii Chelsea ay iga tagto, waxba kama dhihi karo waxyaabaha kale”.

Waxaa xusid mudan in Maurizio Sarri uu waqti xaadirkan ku sugan gudaha dalka Talyaaniga gaar ahaan magaalada Tuscany ee u dhow gurigiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close